Tomeki
Cover of Singal Maadar

Singal Maadar

By Samatar Sooyaan

0 (0 Ratings)
0 Want to read0 Currently reading0 Have read

Publish Date

2008

Publisher

Xlibris Corporation LLC

Language

som

Pages

183

Description:

>Inkastoo ay dalka Maraykanka joogtay muddo dhowr sanadood ah, misna weli si fiican ulama qabsan nolosha Ameerika. Waxaa nafta u keenay oo ay nacday waraaqaha iska socda ee maalin walba guriga ugu yimaada. Waa hooyo keligeed ah oo korsota 4 carruur ah oo ay dhashay, mana haysato cid ama qof u gar-gaara ama gacan siiya. Waa keligeed iyo Allaheed. > >Dhibta qurbaha iyo dhulkii iyo dadkii ay ka soo dhooftay ayaa jaah-wareerinaya Aragsan. In muddo ah goortuu ku dhega-adkaaday ninkeeda Abshir bay go’aansatay in ay iska erido, waxayna ugu yeereysaa booliiska. > >Waxaa wel-wel, calool-xumo, isla-hadal aan xad laheyn ku haya nolosha ay ku nooshahay iyo wiilkeeda curyaanka ah. Waxaa waalaya xaalada qoyskii ay ka dhalatay. cid ugu garaabta, gacal iyo wehel u noqda ma haysato > >Ugu danbeyntii waxay tegi Rugta Carwada Xaywaanka, waxayna halkaa ka soo iibsanaysaa Keyd-aabbe (Reserve Daddy), si uu u caawiyo Singal Maadarada iyo carruurteedaba. > >Halganka adag, kharaar oo ay Aragsan marna isaga celineyso ninkeedii hore, oo ay weliba marna u hayso dareen cantar-baqash ah, marna ay isaga dhicineyso hey’addaha dowladda ee u hanqal taagaya carruurteda dayacan, wuxuu Aragsan u horkacaya nolol maskaxdeeda iyo maankeedaba raad ba´an ku reerbi karta. - [publisher](https://www.xlibris.com/en/bookstore/bookdetails/580275-singal-maadar)